Sawirro-Muuqaal: Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan layeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda kana hadlay…….

13 July 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan is xogwareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda ayaa ku adkeeyey Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in shaqooyinka ka socda wasaaradaha aysan hakad galin xiligaan kala guurka ah, si uusan dib u dhac ugu imaan adeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshada.

Xamse ayaa sheegay in Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowladdu ay yihiin lafdhabarta howlaha Qaranka ee heer maamul.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku yiri “dawlad goboleedyo ayaa jira, dawlad goboleedyadaas iyo madaxda dawladda dhexe waa inay heshiis yihiin, hadday heshiis noqon waayaan Dastuur ma dhaqaaqaayo, Doorasho qof iyo cod ah lama gaaraayo, 4.5 lagama bixi karo, amniga waxba lagama qaban karo, waa lagama maarmaan in la heshiiyo oo la isku waafaqo wadankaan meesha uu u dhaqaaqaayo”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa qoraal ku yiri ”Waxaan maanta kala hadlay in ay u dardargeliyaan howlaha hay’adaha ay madaxda ka yihiin, si kalsooni iyo daacadnimo leh, anigoo ka dhageystay talooyin iyo xog muhiim ah”

”Wax horumar ah lama gaari karo ilaa dalka amnigiisa wax laga qabto, qof walbana waa in uu qaataa kaalintiisa kaga aaddan dagaalka, waxaan xoogga saareynaa sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa argagixisada”

About The Author