Booliska gobolka Mudug oo abaalmarin lacageed ku bixinaya cidii soo sheegta Alshabaab Xabsi ka baxsaday
14 July 2022 (Puntlandes) Saldhig gaar ah oo ku yaalla waqooyi magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu warramayaa inay ka baxsadeen rag lagu helay inay ka mid ahaayeen Alshabaab iyo inay dilal ka geysteen Gaalkacyo.
Raggan baxsaday ayaa qeyb ka mid ah waxaa qabtay Ciidanka dawladda Puntland. halka sadex ka mid ah wali la raadinayo.
Taliska booliska gobolka Mudug ayaa baahiyay abaal-marin lacageed oo dhan $2000 labo kun oo dollar ah, oo la siin doono cidda soo sheegta saddexdaas baxsadka ku maqan oo maxkamaddi horey u xukuntay.
Magacyada la soo bandhigay ayaa kala ah:
1-Xasan Isaaq Maxamed
2-Maxamed Cali Maxamed (Istakin)
3-Liban Ciise Cali (Madaxkariye).