Dawladda Itoobiya oo dadkeeda kasoo celisay dalalka…….Soomaaliya ma jirtaa?
14 July 2022 (Puntlandes) Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inay bilaabi doonto wixii maanta ka dambeeya soo celinta ilaa 12,000 Itoobiyaan ah oo ku kala sogan dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo kaashanaysa hay’adda socdaalka adduunka ee IOM, sidaas waxaa baahihiyey joornaalka Addis Standard.
Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiya, MOFA, Ambassador Meles Alem oo la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Itoobiyaankaas dib loogu celinayo ay ku sugan yihiin dalalka Tanzania, Malawi, Zambia, Zimbabwe, Djibouti, Sudan, Yemen iyo Cummaan.
Meles ayaa sidoo kale sheegay in dib u celinta 102,000 oo Itoobiyaan ah oo laga soo celiyay dalka Sacuudi Carabiya ay u dhacday sidii loo qorsheeyay, taasoo ah yoolkii ahaa in 50% dadka lagu celiyo 126 duulimaad ilaa iyo bishii March 2022.
Dalkeena, Soomaaliya, ayaa waxaa ku sugan walina kusoo qulqulaya qaxooti aad u faro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo aysan qorshaha ugu jirin dawladooda Itoobiya inay dib ugu celiso dalkoodii.