Puntland oo aan wali la sixin, dhaqaalana u hayn Imtixaankii Dugsigada Sare ee Puntland ee sanad dugsiyeedka 2021-2022ka.

14 July 2022 (Puntlandes) Barlamanka Puntland oo su`aalo aad muhiim u ah waydiiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare ee Dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa isagoo ka jawaabaya su`aal la xiriirtay sixidda Imtixaanadda Shahaadiga iyo dhaqaalaha ku baxa waxa uu sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 14ka Lulyo 2022ka aan wali la sixin, dhaqaalana loo hayn Imtixaankii Dugsigada Sare ee Puntland ee sanad dugsiyeedka 2021-2022ka.

Wasiirka ayaa ku sababeeyey sababta ay dawladda Puntland u sixi wayday Imtixaanka in Hay`addihii waxbarashada kala shaqayn jiray ay ka baxeen oo joojiyeen dhaqaalihii ay bixin jireen, kadib markii dawladda Puntland laga waayey inay bixiso qaybteedii.

Wasiirka ayaa yiri ”Imtixaankii 2020 la qaaday Waalidiintu waxay bixiyeen 46%, Hay`addaha waxbarashada nagala shaqeeya waxay bixiyeen 43%, dawladda Puntland waxay bixin lahayd inta soo harta, iyadoo sidaas ah, daruufaha dhaqaale ee jira awgood dawladdu way awoodi wayday inay kabto lacagtaaas”

Wasiirka ayaa ku siidaray ”Sanadkii 2021 waxay waalidiintu bixiyeen 53%, Hay`addaha waxbarashada nagala shaqeeya waxay bixiyeen 30%, halka ay 17% ay dawladu bixin lahayd, lacagta dawladda oo laga rabay boqol iyo dheeraad waxaa naga soo gaaray 47.000$ kaliya”

Wasiirka oo ka hadlaya in caawimadii dibadda uga imaan jirtay la joojiyey aya ayiri ”Sanadka hadda aanu ku jirno Imtixaanka dugiga sare lama sixin, waxaad ogaataan Hay`addaha naga caawin jiray Imtixaanaadka in aan saxno waa ka baxeen, EU-da dhamaanba waa ka baxday”

About The Author