Dawladda Soomaaliya oo ogolaatay in Qaadka Kenya la geeyo Soomaaliya

15 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga dalka Kenya oo caawa kulan la yeeshay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa ogolaaday in Qaadka Kenya loo beec geeyo gudaha Soomaaliya.

Qaadka ayaa laga joojiyey Soomaaliya, markii uu cudurka Covid-19 bilowga ahaa kadibna waxay dawladii Farmaajo furtay Qaadka Itoobiya halka ay diiday kan Ke nya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskan la gaaray Madaxweynaha xaafiiska baneynaya ee Kenya Uhuru Kenyata.

Duulimaadyada Qaadka, waxay tagi doonaan Suuqyo cusub oo aysan horey u gaari jirin, Kenya ayaa Malaayiin Dollar dib u faa’iidi doonta.

Mr, Ruto, kuxigeenka Uhuru Kenyata haddana u sharaxan Madaxweynaha Kenya ayaa horey 2021-kii u sheegay in suuqan Ganacsi furmi doono- marka Farmaajo xukunka la dhaafsho.

Uhuru Iyo ganacsatada Meru ayaa horey iskugu raacay go’aankan.

Qaadka Itoobiya oo hadda taga Muqdisho, oo ay Addis Ababa kahesho dhaqaale ayaa hoos u dhici doona, taas oo gorgortan gobalka ahna keeni doonta.

About The Author