Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyey safarkiisii Kenya, kuna soo laabtay dalka

16 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh iyo wafdigii uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib booqasho rasmi ah oo ay ku tegeen Kenya.

Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyey safarkiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uulyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaa kadib loo galbiyey dhismaha Villa Somalia.

Sida uu qorshuhu ahaa madaxweynaha ayaa la filayey inuu la kulmo jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, balse ma dhicin, wuxuuna isla maanta kusoo laabtay Muqdisho, taas oo ka dhigeysa in booqashadiisa ay qaadatay hal maalin oo qura.

Ma cadda sabab rasmiga ah ee soo dadajisay soo laabashada madaxweynaha, maadaama ay horey Villa Soomaaliya u shaacisay inuu laba cisho soo joogi doono dalka Kenya.

Safarka madaxweynaha ee Kenya ayaa noqday kii afaraad ee uu dalka uga baxay, tan iyo markii dib loo doortay, wuxuuna horey u booqday, dalalka Imaaraadka, Turkiga iyo Eritrea.

Dhanka kale dalka oo mudo dheer ku soo jiray daganaansho la`aan siyaasadeed iyo doorsho muddo aad u dheer jiitamaysay ayaa waxaa madaxweyne Baarlamaanku u doorteen Xasan Sheekh 15kii Maj, ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16ka July ma uusan dhisin Xukuumaddii dalka iyadoo uu jiro habacsanaan iyo isku dhexyaac ka dhashay doorshada madaxweynaha cusub.

About The Author