Madaxii Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka ee gobolka Mudug oo dhaawicii u geeryooday

17 July 2022 (Puntlandes) Allaha u naxariistee Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federalka Soomaaliya ee gobolka Mudug Cilmi Cali Guuleed ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas kooxo hubeysan ay ku dhufteen habeen kahor.

Marxuumka oo saacadihii la soo dhaafay lala tacaalayay xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay inuu xalay fiidkii u geeriyooday dhaawicii.

Dilka Madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda federalka Soomaaliya u fadhiyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Cilmi Cali Guuleed ayaa kusoo beegmay labo maalin kadib markii ay xabsiga Gaalkacyo ka baxsadeen saddex dhallinyaro ah oo katirsan Alshabab, oo dil ku xukumnaa, kana tirsanaa kooxda Alshabaab ee dilalka ka geysan jirtay Gaalkacyo.

Shacabka magaalada gaalkacyo ayaa ku noolaa amni mudooyinkii dambe, iyadoo ay dawladda Puntland amniga shaqo fiican ka qabatay.

About The Author