Sawirro: Qarax ka dhacay Jowhar oo khasaare abuuray

17 July 2022 (Puntlandes) Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle, gaar ahaan halkii la oran jiray Mishinka.

Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo gaari kuwa xamuulka ah qalab dhisme waday laguna soo raray waxyaabaha qaraxa.

Weerarka qaraxa ayaa lagu bartilmaameedsaday hotel Shabelle oo ah deegaan uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, inkastoo Wasiirka aanu joogin xilliga qaraxa dhacayay.

Sidoo kale waxaa wararku sheegayaan in Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Qaraxa ayaa burburiyay Guryo fara badan oo ku dhow halka qaraxa ka dhacay iyo kuwa ka fog, waxaana qaraxan uu ahaa kii u horreeyay noociisa oo magaalada Jowhar ka dhaca.

Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyey in ugu yaraan 3 qof ku geeryoodeen halka qaatr kalena ku dhaawacmeen.

About The Author