Bosaso: Puntland oo gacanta ku dhigtay madax Alshabaab ah
20 July 2022 (Puntlandes) Ciidanka Amniga dawladda Puntland ee Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay horjoogayaal sare oo ka tirsan Alshabaab sida ay xaqiijinayaan warar dhinaca Amniga ah.
Hawlgal qorshaysan oo ka dhacay magaalada Bosaso ayaa lagu qabtay horjoogayaasha waxaana lagu wadaa in dhowaan maxkamad la soo taago sida ay sheegayaan saraakiisha Amniga qaarkood.
“ Amiiro aad loo raadinayay ayaa ku jira horjoogayaasha aan qabannay oo aan maalmaha soo socda maxkamad hor keeni doono” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Ciidanka Amniga Puntland
Si kastaba, Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, waxaana maxkamadda ciidamada Puntland kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxdaas oo lasoo qabtay, isla-markaana lagu xukumay dil toogasho ah qaarkoodna waaba lagu fuliyey.