Xamse oo amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan weerarka Alshabaab ee gobolka Bakool
21 July 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaannada Yeed iyo Caato ay weear culus ku soo qaaday Alshabaab.
Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay xaaladii u dambaysay ee deegaannadaas.
Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.
Alshabaab ayaa shalay weerar xoogan ku qaaday deegaanada dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Yeed iyo Caato, halkaas oo qaraare xoogan ay gaarsiisay ciidamada Lyu Booliska ee Itoobiya.
Dagaaladaas ayaa ilaa xalay socday waxaana ku dhintay askar ka badan 200 askari, kuwaas oo ka mid ah Lyu Booliska DDS.