Sawirro: Dowladda Puntland oo bixisay dhamaan kharashka imtixaanka lagu saxaayo
21 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo looga hadlay Amniga guud, gurmadka Abaarta, Natiijada imtixaanaadka fasalka 8-aad oo la shaaciyey iyo sixitaanka fasalka 12-aad oo bilowday kadib markii Dowladdu ay bixisay kharashka imtixaanka lagu saxaayo.
Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xgeenka Dowladda Putland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale looga hadlay tartanka kubadda Kolayga.