Ciidamo Alshabaab ah oo ka tallaabay xuduudda Itoobiya
24 July 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal Alshabaab ay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya.
Cali Jeyte oo la hadlay idaacadda BBC ayaa sheegay in Ciidanka Alshabaab ee u gudbay Itoobiya lagu qiyaasay 200.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaas ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka, wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya “Markii aan dadka weydinayay, waxay noo sheegeen in illaa 200 nin ay ku dhaw yihiin ina ka gudbay xuduuda”
Warkan kasoo baxay guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadaya xilli ciidamo ka tirsan Alshabaab oo watay gawaarida dagaalka ay ka gudbeen xuduuda Itoobiya ee dhanka Bakool, halkaasi oo dagala culus ay la gashay dawlad Deegaanka Soomaalida.