Wasiir Cabdi Siciid oo lagu waayay inuu Amray Markab Dhuxusha ka dhoofiyay Soomaaliya
24 July 2022 (Puntlandes) Maxkamadda-sare ee dalka Cummaan ayaa markii u horreysay go’aan ka soo saartay markab siday dhuxul; kaa oo la sheegay in uu oggaalasho ka heystay Wasaaradda Arrimaha-dibedda Soomaaliya, arrin taasi oo dhalisay in shaqada laga joojiyo Wasiirka Arrimaha-dibedda Cabdisaciid Muuse.
Go’aanka maxkamadda ka soo baxay ayaa hadda lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha-dibedda Soomaaliya aysan ku lug-lahayn wax qalad ah.
Sidoo kale ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaysa in markabku uu ogolaansho ka helay wasaaradda ama codsi loo gudbiyey hey’adaha ay khuseyso ee dawladda Cummaan si ay u si deyso markab kaas oo dhuxul siday, sida ku cad qaraarka maxkamada.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii 25kii May 2022ka shaqada ka joojiyay wasiirka kadib markii uu ku eedeeyay inuu fasaxay markab si sharci darro dhuxul uga dhoofiyay Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Cumaan, kaas iminka noqotay wax aan sal iyo raad toona lahayn.