Muxuu ku sababeeyey RW Xamse dalabkiisa muddo kordhinta?
25 July 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka dalbaday inay kordhin siiyaan si uu waqti dheerad ah ugu helo dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadaljeedintiisii golaha ku sheegay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa yiri “Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada aan la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed”
Wararka ay helay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inuu madaxweyne Xasan Sheekh hortaagan yahay dhismaha Xukuumadda cusub, Xamse wax saamayn ah kuma lahan dhismaha golaha.
Hoos ka akhriso qoraalkii rasmiga ahaa ee RW Xamse u diray Golaha Shacabka: