Madaxweynaha Masar oo sheegay in isaga iyo MD Soomaaliya ay kawada hadleen arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya

25 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Masar Sisi oo ay kulan wadayeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shirkoodii jaraa’id ka sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ay ka wada hadleen arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya.

Labada Madaxweyne ayaa waxay soo bandhigeen khatarta ay leedahay siyaasadda halka dhinac marka la fulinayo mashaariicda wabiyada isaga gudba xuduudaha.

Madaxweynaha Masar ayaa yiri. “Waxaan isla garanay Soomaaliya in falal hal dhinac kaliya ah ay ku tahay halis Arimaha Biyo-xidheenka”

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ayaa ku heshiiyey in Biyaha wabiga Niilka, qeybta Masar ay tahay lama taabtaan wadajirna loo difaaco.

Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa u dhaxeeya is mariwaa ku saabsan biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya, iyadoo ay Itoobiya xuduud dheer la leedahay ayna ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa amniga kala shaqeeya dawladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iminka si toos ah ula saftay Masar, su’aashuna waa maxay tahay danta ugu jirta Soomaaliya, muxuuse ku bedeshay?

About The Author