Villa Somalia oo beenisay in labada madaxweyne ee Masar & Somalia ay ka wada hadleen Biyo-Xireenka Webiga Nile, halka Masar……

26 July 2022 (Puntlandes) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa Masar Mr.Siisi kala hadlay biyo-xireenka webiga Niilka, kaasi oo ay dhismihiisa ku muransan yihiin Masar iyo Itoobiya, sida uu sheegey Af-hayeenka madaxweynaha Cabdi Kariin Cali Kaar.

MadaxweynahaMasar Sisi ayaa shirkiisii jaraa´id ee labada madaxweyne ku yiri “Waxaan ku heshiinay khatarta ay leedahay siyaasadaha halka dhinac ah ee ku aaddan hirgelinta mashruucyada la xiriira webiyada caalamiga ah iyo sida ay lama-huraan u tahay inuu jiro iskaashi iyo wadatashi dhexmara dowladaha uu wabigu maro, si loo dammaanad qaado in aanay dhibaato soo gaarin mid kamida dowladahaa, arrinkaasuna waa mid la jaanqaadaya xeerarka qaanuunka dowliga ah ee la xiriira arrinkaa, sidaa darteed waxaa lamahuraan ah in si dhaqso ah loo gaaro heshiis ku salaysan sharci, fulintiisuna ay tahay qasab marka ay timaaddo buuxinta iyo howlgelinta biyoxireenka, taasoo ah sida waafaqsan bayaan madaxeedkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2021, taasoo looga jeedo ilaalinta amniga iyo xasiloonida gobolka”

Sidoo kale Madaxweynaha Masar Abdelfatah Sisi oo qoraal ku daabacay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada hadleen arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya, waxaana ay soo bandhigeen khatarta ay leedahay siyaasadda halka dhinac marka la fulinayo mashaariicda wabiyada isaga gudba xuduudaha.

Saxaafadda dalka Masar ayaa iayana aad uga hadashay oo bogga hore ku soo qaatay in labada madaxweyne ka wada hadleen Biyo-Xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya ayna
Soomaaliya ku taageertay Masar.

Itoobiya iyoMasar ayaa waxaa u dhaxeeya muran ku saabsan biyo xireenka Wabiga Nile ee ay dhisatay Itoobiya, taas oo Masar diidan tahay inuu shaqo galo.

About The Author