Wasiirka Gaashaanshiga Masar iyo siihayaha Wasiirka Gaandhiga Soomaaliya oo ka wada hadlay Iskaashiga Milateriga ee labada dal

26 July 2022 (Puntlandes) Siihayaha Wasiirka Gaandhiga Soomaaliya C/qaadir maxamed Nuur oo ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar booqanaya ayaa yeeshay kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaanshiga Masar.

Labada mas´uul ayaa kulanka kaga wada hadlay arrimaha Iskaashiga Milateriga ee labada dal, iyadoo Maras ay aad u xiisaynayso inay Soomaaliya Saldhig Ciidan ku yeelato.

Madaxweyna xasan Shiikh ayaa safaradiisii hore kaxaysay xubin ka mid ah siihayayaasha wasiirada kuwaas oo ka tirsanaa xukuumaddii hore, ku wehelinta siihayahaan ayaa xoojinaysa inuu doonayo inuu heshiis Ciidan u saxiixo, taas oo uusan geli karin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid garab isataagay dalka Masar oo dagaal muran ah kula jira dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, kaas oo ka dhashay Biyo-Xireenka Wabiga Nile.

Shalay ayuu madaxweynaha Masar shaaciyey inay madaxweynaha Soomaaliya ka wada hadleen isku aragtina ka noqdeen Biyo-Xireenka Wabiga Nile.

About The Author