Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Mudug oo si diiran lagu soodhaweeyay Gaalkacayo

26 July 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali (Jifo Jabsade) ayaa lagu soodhaweeyay Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Munaasibada Soodhaweenta waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenada 1aad ee Gobalka Xasan Cabdulaahi Warsame ,Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo,Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobalka,Odoyaasha Dhaqanka, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka Gobalka Mudug, Saraakiisha Ciidamada Gobolka iyo qaybah kala duwan ee Bulshada Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa u mahad celiyay dhamaan Bulshadii iyo masuuliyiintii Soodhawaysay, waxa uuna balanqaaday in shaqooyinka lagu dar-dargalinayey Amniga iyo Adeegyada Bulshada halkaadii ka sii socondonan, Bulshada ayuu Gudoomiyuhu ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan dhinacyada Amniga.

About The Author