Madaxweynaha DDS ayaa kudhawaaqay in dagaalka lagu soo qaaday Deegaanka uu la xariiro Isku heysiga Biyo-Xireenka Wabiga Nile ee Masar iyo Itoobiya

26 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida, DDS, Mustafe Cumar Cagjar ayaa markii u horreysay shaaca ka wqaaday in duulaanka Alshabaab ee deegaannada xadka ku yaal uu la xiriirayay Biyo-Xireenka Wabiga Nile, kaas oo ay isku khilaafsan yihiin Itoobiya iyo Masar.

Mustafe ayaa wuxuu sheegay in weerarradii toddobaadkaan ay ahaayeen kuwo ay ku doonayeen Alshabaab inay saldhigyo ka sameystaan gudaha Itoobiya , iyagoo gacan ka helaya jamhadaha gudaha.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da qeybta ku baxda afka Amxaariga ayaa sidoo kale caddeeyay in iskudayadaas ay fashilmeen , macluumaadkaan iyo kuwa la qariyayna laga helay dagaalyahannadii la qabtay.

Qorshaha kooxdan oo uu ku sifeeyay in dhinacyo kale ku lug leeyihiin ayuu ku timaamay mid

About The Author