Sawirro-Muuqaal: Madaxweynaha DDS “Si aan uga hortagno cadowga, waxaan samayn doonaa aag ka caaggan argagixisada oo ka baxsan xudduudeenna”
27 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar) oo booqasho shaqo ku tagay degmada Feer-feer oo dhacda xudduuda Itoobiya gaar ahaan Deegaanka Soomaalida iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya ka samaysan doonaan aag ay dalkooda ka difaacdaan.
Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa yiri “Si aan uga hortagno cadowga, waxaan samayn doonaa aag ka caaggan argagixisada oo ka baxsan xudduudeenna”.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ka dhigan in Dowlad Deegaanku ama dawladda Itoobiya ay difaac ka xiranayso gudaha dalka Soomaaliya.
Dhawaan ayey Alshabaab ka weerartay deegaanka Soomaalida laba gobol oo ka mid ah Soomaaliya kuwaas oo kala ah Bakool iyo Hiiraan.
Dagaalkaas oo khasaare nafeed oo badan dhaliyey laakiin ay soo afjareen ciidanka Liyuu Booliska ee Deegaanka Soomaalida.
Cagjar ayaa shalay sheegay inuu weerarkaas lagu soo qaaday oo ay gadaal ka riixayaan dadlal shiyeeye uu salka ku hayo Biyo-Xireenka ay Itoobiya ka samaysatay Wadiga Nile.