Maqaal: Halgankii iyo Himilooyinkii dhalinyaraddii Soomaaliyeed ee (SYL)

69

15,maajo waxay Ummada Soomaaliyeed u tahay maalin qaymo weyn u leh waa maalintii lahindisay in ummadda Muslimkaa ee Soomaliyeed ay u soo bexeen dhalinyaro dhulkoodii u dhaliyeey xornimo”sharaf iyo calanka maanta qaran,keennu leeyahay

Qoomiyad kaste ama ummad kaste waxay leedahay haldoor tariikhdooda ku xusan kuna reeba xasuus aan la iloobin mar haddii aynaan maanta taalooyin u dhisayn mar haddii anaan fagaarashaasha ugu dabaal dagayn halgamayaashii Soomalaiyeed ee SYL waa inaan dareenkeenna ku muujino hadba sida tabarteennu noqoto waxaana ku xusi doona qoraal iyo inaan xusno magacyadoodii…

Horaantii sannadkii 1943kii ayaa waxaa sheekaystey sida ay taariikh yahanadda Soomaaliyeed xusan, C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan oo siweyn saxiibo u ahaa ayaa , waxay is waydiyeen sidii ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii guumaysiga.

Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay da, ahaan kala jireen 24 iyo 26 Sanno waxay Muddo ka sheekaysanayeen sidii bal guumaystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyey fikir ahaa in la aasaaso xibsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaana ka saara guumaysiga, laakin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyey feker kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala. is barbar dhig manta iyo maalintaa dhalinyarada Soomaaliyeed..

Maanta oo kale 15-kii maajo ama (may)1943 waxaa u suurta gashey 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah inay asaasan ururkii (SYC) Somali Youth Club ) ama ururka dhalinyarada Soomaaliyeed” kaasi oo markii dambe isku badaley ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL (Somali Youth League), sannadkii 1947-kii bishii May” maanta oo kale ayaa ururka (SYL) si rasmiya uu magacaas u qaatay, sida tariikhda ku xusan..

Waxaa xiligaas gumaystuhu dhulkeenna haystay ka dhiidhiiyey Ururka dhalinyaradda.

soomaaliyeed SYL) oo kala ahaa

1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919kii. xiligaasi wuxu jitey 24 sanno.

2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalaa Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915kii, xiligaasi wuxuu jirey 28 sanno.

3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sanno

4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sanno)

5. Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sanno)

6. Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii Xiligaasi wuxuu jirey 17 sanno

7. Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sanno ah)

8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii (xiligaasi wuxuu jirey 24 sanno )

9. Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sanno)

10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sanno.

11. Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii(xiligaasi wuxuu jirey 25 sanno)

12. Huudoow Macallin Cabdulle waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sanno)

13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii(xiligaasi wuxuu jirey 33 sanno)..

Ururka (SYL)wuxuu shaaca ka qaadey qorshe,yaashisii siyaasadeed wuxuuna ku dhawaaqay inay u halgamayaan”xorrnimo” gaarsiinta Ummada Soomaaliyeed, iyadoo xiligaasi Soomaaliya ay u qaybsaneyd shan qaybood oo gacanta ay ku hayeen Guumaystayaashii Reer Yurub) & kuwo ay wakiil ka dhigteen..

S,Y,L waxay shidey iftiin gobanimo doon ah waxayna dhexeda u xirteen in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo taam) ah, isla markaana lahelo Soomaaliweyn oo xorrnimo ku nool.

Dhallinyaraasi SYL” waxaa xiligaasi u suurta gashey in ay mideeyaan Shacabka Soomaaliyeed si looga hortago gumeysiga marka laga reebo in yar oo gumaysi kalkaal ahayd mooye inta badan dadka Soomaaliyeed aad ayey u tageereen. waana mida keentay guushii ay gareen dhalintaas..

Xisbigii (SYL) waxaa la soo gudboonaadey “turanturooyin” badan iyo hagardaamooyin taasoo uga imaanaysay cadawgii ummadda Soomaaliyeed isla markaasana donayeey in lagu wiiqayo ujeeddooyinkoodii Gobanimo doonk. waxaayse uga gudbeen wada jir iyo hadaf midaysan..

Sikastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii dhalinyaradii (SYL) u baal dahaba ka galay tariikhda Africa khaas, ahaan Soomaaliya uuna kaalin muhiima ku lahaa helidii Xornimada ummadda Soomaaliyeed ku faanto,maxaanse ugu abaal gudney?.

Hamigii iyo himiladdii dhalintii Soomaaliyeed ee Somali Youth League), wuxuu ahaa inay Soomaliya mid ka dhigaan inay Soomaaliya xornimo garsiiyaan wuxu ahaa inay mustaqbalka ka tagaan tariikh maguurta ((lhadis)way gareen riyadoodii waxaase loogu abaal guday72, sanno kadib kala qaybinta dadka Soomaaliyed qabyaal iyo qaran la, aan, waana meeshii laga yiri guusha inaad hesho waa sahlan tahay laakiin inaad xagsato ayaa ka muhiimsan..

dhalinyaradu waxay isla qateen in la dhiso Golle)dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku habboon in ladhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisey Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club), waxaana xiligaasi ay aheyd 15-kii May 1943-kii.

– In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

Markii ay qoreen codsigii ayey 13,kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan iskaba daa in codsigoodu u hirgalo,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caan baxday ee aheyd:-

“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in idnaan kuwa heshiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa (dhurwaayo) iyo Ari’ xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu heshiin kartaan khilaaf la’aan..”

Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin hogaamiyayaasha gumaysiga ayaa ugu jawaabay “hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano,waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan Ariga u cunin,mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool (Naadiga) oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.

Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin ayaa guddoomiye loodootay halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno sidookalen Yaasiin Xaaji Cusmaan layaa loodoortay Xog-haye.

Laga soo bilaabo sannadkii 1943kii waxaa Xisbiga SYL laga furay Gobollada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo taasi oo aheyd mid ay u dhanyihiin bulshada qaybaheda kala duwan sida Odayaasha, Culumo ,awdiinka dhalinyarada, Haweenka, & Ganacsatada.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

1. Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.

2. Damaca gumeeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii.

3.Xisbiyo Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, xiriirna uu ka dhexeyey gumaystihii shisheeye..

Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyoodey xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke waxaana uu ku dardaarmey in jagadiisii loo magacaabo Halgame Cabdulaahi Ciise Max’uud oo xiligaasi ahaa Wakiilkii (SYL) ee magaalada Baladweyne.

halkaasi ayaa laga soo wadey Cabdulaahi Ciise waxaana uu qabtey jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaasi ilaa iyo ay (SYL) ay keentey guusha xoriyada ummada Soomaaliyeed, waxaana Cabdulaahi Ciise loo magacaabey Ra’iisal wasaarihii xukuumada daakhilga aheyd ee Soomaaliya intii aan xoriyada si buuxda loo qaadan

Guushii halgankii SYL) ay majaraha u haysay waxaa la gaaray 1da July 1960kii waqooyiga iyo koonfurta Soomaali isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiib daro noqotay inaan hanan weeynay xorriyadii iyo dowladnimadii. Maantana ay tagan tahay qabiil, qabiil Gobol,gobol iyo calamo kala gooniya ayaan darata manta taagan dhalintii umadda Soomaaliyeed xornimada u horseeday manta waxaa jira Gobolo aan laga xusin..

Dhalinta Soomaaliyeed maanta waxaa looga fadhiyaa inay ka gilgishaan meesha dalkoodu yaal

 21

Falanqeeye  arrimaha bulshada

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email-guuled72@hotmail.com  ama
abdinuur02@gmail.com

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author