Kulan ay yeesheen madaxweyne Deni Iyo Gudoomiye C/rashiid oo natiijo la’aan ku dhamaaday
27 July 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaas oo ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay xaqiijinayaan warar kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in la isku fahmi waayay xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexaysa Baarlamanka iyo Madaxtooyada, islamarkaana ka dhalatay Arrimaha Garsoorka, maadaama dhawaan xildhibaanada ay diideen iney ansixiyaan hay’adaha garsoorka uu soo magacaabay madaxweyne Deni.
Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah, oo uu la yeelanayo xildhibaannada Baarlamanka Puntland.
Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada kala hadlaya xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexaysa Baarlamanka iyo Madaxtooyada, islamarkaana ka dhalatay Arrimaha Garsoorka.
Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Garowe kula kulmay Xildhibaannada laga soo doorto Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.