Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka degmada Jariiban oo Mooshin ka keenay maamulka degmada Jariiban

27 July 2022 (Puntlandes) Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka degmada Jariiban ayaa Mooshin ka keenay maamulka degmada Jariiban, iyagoo ku eedeeyay habac-sanaan iyo xil-gudasho la’aan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa la sheegay inay abaabulayso Mooshinka lagu kala dirayo maamulka degmada Jariiban ee gobalka Mudug.

Wasaaradda ayaa horay loogu eedeeyay inay ku fashilantay inay gole deegaan u dhisto Gaalkacyo, Bursaalax iyo degmooyinka kale.

Sikastaba ha ahaatee, Degmada Jariiban ee gobalka Mudug waxaa ka jira abaaro daran oo saameeyay dadka iyo duunyadda oo u baahan in laga wada qayb qaato.

About The Author