Sawirro-Muuqaal: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ka qayb galay Munaasibad lagu dhaqan galinayey Manhajka Dugsiyada Sare
28 July 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu dhaqan galinayey Manhajka Dugsiyada Sare iyo Abaalmarinta Tobanka Arday ee ugu saraysa Gobolka Mudug Imtixaanka Fasalka 8aad.
Munaasibadan waxaa goob joog ahaa Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland, Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Mudug, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Puntland, Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee Magaalada Gaalkacyo, Walidiin iyo Arday.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa U hambalyeeyey 10ka arday ee ugu saraysa Imtixaanka Fasalka 8aad ee Gobolka Mudug, isagoona ku dhiirigaliyey inay halkaa ka sii wadaan dedaalka Waxbarasho, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Maamulayaasha Dugsiyada Sare kula dar-daarmay in sare loo qaado tayeynta waxbarshada arday, manhajka Dugsiyada Sare ee la qorayna La dhaqan galiyo lagama bilaabo Dhamaan Dugsiyada Sare ee Gobolka.