Wasiirka Cadaaladda KG oo ku dhintay qarax
29 July 2022 (Puntlandes) Wasiirka Cadaaladda Koonfurgalbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wiilkiisa ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxa lix ruux oo kale.
Qaraxa ayaa ka dhacay banaanka masjidka xilli laga soo baxay salaada jimcaha sida uu kusoo waramayo wariyaheena magaalada.
Maalin ka hor ayaa waxaa Qarax lala beegtay magaalada Marka ee axrunta gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ku dhintay dad uu ka mid ahaa gudoomiyihii degmada.