Itoobiya oo sheegay inay dileen saddex ka mid ah hoggaamiyaasha ururka Alshabaab

29 July 2022 (Puntlandes) Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in weerarradii ka dhacay deegaannada xadka ku yaalla ee Bakool lagu dilay saddex ka mid ah hoggaamiyaasha ururka Alshabaab, sida ay baahisay warbaahinta Itoobiya.

Magacayada la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah Fuaad Maxamed Khaliif (Shengole) oo ahaa madaxa abaabulka ee kooxda, sidoo kalana ka mid ahaa Saraakiisha ururka ee loogu duulista badnaa, Abdul Casiis Abu Muscab oo ahaa afhayeenka kooxda Alshabaab ee dhinaca Howlgallada iyo Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii al-Shabaab u qaabilsanaa Abaabulka xadduuda Itoobiya iyo gobalka Bakool.

Ma jiro warar madax bannaan oo arrintan xaqiijiyay , sidoo kale Alshabaab ma jirto warbixin ka soo baxday oo lagu xaqiijiyay inay geeriyoodeen saraakiishan.

About The Author