Ha moogaan khudbadda madaxweynaha Puntland oo uu ku soo qaadan doono wax badan oo idin farxad geliya!!
Wargelintaan waxaa barta facebook:ga soo dhigay madaxtooyada Puntland.
Markaan arkay, waxaan is waydiiyey toloow Cabdiwali Gaas ma is casilidoonaa?? Kadib markuu arkay in uu si ba,an ugu fashilmay hogaaminta Puntland. Kadib markuu arkay in ay taariikhda Puntland tahay markii ugu horeysay oo xukuumad mooshin laga keeno (waa tiisee) iyadoo lagu eedaynayo, siyaasad xumo, maamul xumo, habacsanaan ammaan, kala daadsanaan xukuumad, aqoon dari dadka xukuumada u shaqeeya. Mooshinkaa oo waliba yimid iyadoo aysan xukuumadaasi gaarin halsano iyo bar.
Waxaan su,aashaa isu waydiiyey waxaa weeye in qofkasta oo caqli leh uu garawsan lahaa arimahaas oo dhan hadii ay qabsadaan. Wuxuu qofkii caqli lihi garan lahaa in hadii uu ku fashilmo shaqo loo dhiibey oo uu arko in aysan awoodiisu gaarsiisnayn wax ka qabashadeeda.
Markaan falanqeeyey arrintaas baa waxaa ii soo baxday in aysan Cabdiwali Gaas ka suurtoobin taasi. Sababta ugu waynina ay tahay in aan garawsaday in uusanba ogeyn jiritaanka arimahaas lagusoo eedeeyey. Wuxuu hore u maqli waayey soojeedino iyo tusaalayn farabadan oo waxgarad reer Puntland ahi la daba joogeen mudadii koobnayd ee sannadka iyo afarta bilood ahayd. Taas badelkeedana uu dhagaysanayey koox dhalinyaro ah oo Europe ka soo haajirey oo isaga ugu xaraysan madaxtooyada, kooxdaas oo shaqadoodu tahay maaweelinta iyo amaanidda madaxwayne Cabdiwali Gaas.
Wuxuu waydiiyaa waxa ka jira maamul xumida, jileeca, ammaan xumidda, kala daadsanaanta iyo habacsanaanta lagu eedaynayo. Iyana waxay ugu jawaabaan “NOOLOOW MA´DAALO” waxay tusaan masawiro qurux badan oo Painting ah oo uu issagu ku dhex sawiran yahay. Markaas bay waxay yiraahdaan “Puntland waxaad u horseeday mustaqbal ifaya” waxaana taa ka turjumaya masawirkaan!!!.
Intuu qoslo buu yiraahdaa idinka kaliyaa runta ka hadla.
Haddaba maxay noqonkartaa baan is waydiiyey khudbadaan dadka ka farxinaysaa?
Waxaa ii caddaatay in waxa lala hadlayaa aysan ahayn dadka reer Puntland ee ay jireen rag ku farxi jirey Cabdiwali Gaas mar allaale iyo markuu afka kala qaado.
Waxaan gartay in meesha lala hadlayaa ay tahay Villa Xamar, iyagoo u diyaarsan jiray salool iyo cabitaan ay ku dhegaystaan Khudbadda Madaxweynaha Puntland. Waxay dhagahoodu sifiican ugu raaxaysan doonaan erayda ah DAWLADDA DHEXE, MAAMULKA PUNTLAND EE “KU MEELKAARKA AH” IYO MAADAAMA AYNU NAHAY QAYB KA TIRSAN DAWLADDA SOOMALIYA GUDIYADAY DHISEEN WAXBAAN KA OGAA. OGOW EREYKA MAAMULKA PUNTLAND EE KU MEELKAARKA AH WAA ERAY CUSUB EE HADDA LA KEENAYE.
Halkaan ka Qubadii GAAS ee taageerayaashiisu
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com