Dhagayso-Wareysi: Xildhibaan difaacya GAAS oo ka horyimid Mooshinkii ay keeneen Xildhibaanadu
Todobaad kii hore ayaa 21 xildhibaanada oo ka tirsan baarlamaanka Puntland keeneen Mooshin ay ku dalbanayaan kalfadhi aan caadi ahayn oo looga hadlo xaalada Puntland ay ku sugan tahay iminka.
Waxaa soo baxay koox yar oo siyaasiyiinta iyo qaar ka mid xildhibaanada oo ku doodaya in kal fadhigan uu ku hoos jiro mooshin ka dhan ah dowladda balse aan sicad loo cadayn. Kuwan oo ku taageeraya madaxweynaha fashilmay, GAAS, arin dhaqaale ama qabiil iyagoo aan arkayn waxa u roon Puntland iyo shacabkeeda oo dhan.
Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir oo ka mid baarlamaanka Puntland lagana soo XULAY gobolka Mudug ayaa kalfadhigan ku sheegay in uu yahay mid aan loo baahnayn xiligan ayna macquul ahayn qabashadiisa, wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay sidoo kale in kalfadhigan uu ku hoos jiro mooshin aan haboonayn.
Xildhibaan Cabdixakiin ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn isagoo tilmaamay sababta ay sheegeen ee ah la xisaabtanka dowladda ay horay u dhacday oo wasaaradaha dowladda mid mid loola xisaabtamay sida uu qabana aysan jirin sabab kalfadhi loo codsado.
Waxaa wax lagu qoslo ah Xildhibaan Cabdixakiin oo ku dooday in uu qabo xukuumadu in ay wadato shaqadeeda arrimaha ay soo gudbiyeen 21-ka xildhibaana ay ka jirto guud ahaan caalamka gaar ahaana Soomaaliya, wuxuu sheegay in amniga iyo dhaqaalaha dalka ay tahay in laga wadashaqeeyo si meesha uga baxdo eedeymaha dowladda.
Xildhibaan Cabdixakiin iyo inta la fikirka ah ha ogaadaan in ay xaq u leeyihiin inay taageeri karaan laakiin ay tahay in ay xushmeeyaan dhawraana Sharciga.
Xildhibaan Cabdixakiin wuxuu qirayaa Dhaliilaha dib u dhigay Puntland oo loo soo jeedinayo Maaxweynaha Puntland ee Fashilmay mudane GAAS dhanka kalena wuxuu ku doodayaa in loo laga daayo la xisaabtanka YAAB, CAJIIB!!!
Shacabka Puntland way soo tufeen Xukuumada Fashilantay ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Gaas waxay ka cod dheer iyo mid gaabanba ku leeyihiin xildhibaanda Puntlan now haddii aad naga wakiil tihiin qabsada hawshiina dastuurigaa.
Halkan ka Dhageyso qaybta 1aad Warysi uu siiyey Xildhibaanku Radio Daljir.
Halkana ka Dhageyso qaybta 2aad
Puntlandes.com