EXCLUSIVE: Inta goor oo uu Gaas dalka ka Dhoofay iyo inta uu maqnaa, Maxaase laga dheefay?

74a

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo madaxtinimada Puntland Baarlamaanka Puntland u doortay 8 jan 2014 ayaa wuxuu uu ka XIISO dhiciwaayey ilaa iyo markii la doortay safaro xiriir ah oo uu dalka baanaankiisa ku aadayo isagoo aad moodo in uusanba qiimaynayn danta ugu jirta dadkii doortay iyo in ay ku baxdo safaradiisa lacag aad u faro badan.

Waxaaba kasii daran safaradaas faraha badan iyadoo markasta oo uu ka dhoofayo ama imaanayo Puntland ay caasimada Garowana kala xiran tahay Ardaydii, shaqaalihii dawlad iyo Bulshada qaybaheeda kala duwana la soo dhooba Garoonka diyaaradaha Garowe si ay u soo dhaweeyaan ama u macasalaameeyaan!! Madaxweyne GAAS waa dhaqaaleyahay ma garanwaayey in aysan Puntland qaadikarin Culayskaas baaxada wayn oo ay sababeen safaradii aan xadka lahayn?

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay isku hawshay sidii aad uga barateen in ay shacabka reer Puntland iyo Xildhibaanadandooda u soo bandhigto inta goor ee uu dibada uga safray Puntland madaxweyne GAAS iyo inta maalmood ee uu maqnaa ilaa iyo markuu la wareegay xilka madaxtiimada Puntland 14 jan 2014 kii.

Waxaan ka bilaabaynaa safarkii ugu dambeeyey ee uu Gaas ku aaday dalalka Kenya-Xamar-Talyani-Dubai-Kenya

Dhoofay Aaday Ku soo noqday Puntland Inta maalmood ee uu maqnaa
2 may 2015 K-X-T-D-K 16 may 2015 15
16 abriil 2015 Itoobiya 26 abriil 2015 11
3 marso 2015 Kismaanyo 6 marso 2015 4
10 feb. 2015 Itoobiya 13-feb-15 4
4 feb. 2015 Xamar 07-feb-15 4
14 dec. 2014 Itoobiya 21-dec-14 8
16 okt. 2014 Itoobiya-UK 02-nov-14 18
22 aug. 2014 Itoobiya 27-aug-14 5
14 jun. 2014 Dubai/Jabiti 28-jun-14 15
24 abr 2014 Itoobi/Yamen 9 may 2014 16
10 marso 2014 Jabuuti 15 marso 2014 6
23 feb. 2014 Itoobiya 3 marso 2014 11
4 feb. 2014 Xamar 07-feb-14 4
    Isugayn 121

 

Sida kor ku cad Madaxweyne GAAS wuxuu xilka hayaa 16 bilood wuxuuna dibada uga safray Puntland 13 jeer.

Waxaa wax lala yaabo ah in madaxweyne GAAS uu Puntland ka maqnaa mudo isku celcelis  dhan 4 bilood ama 121 maalmood. Madaxweyne Gaas waxa laga joogaa mudadii uu xilka la wareegay 16 bilood iyo laba maalmood, wuxuuna dalka ka maqnaa 4 bilood iyo maalin.

Madaxweyne Gaas waxa uu Puntland dibada uga maqnaa mudadii uu xilka hayey 25%, xaggee ayey ka dhacdaa taasi? Madaxweynahee sida GAAS u dhaqma oo dalkiisa todobaad kasta 2 maalmood dibada uga maqan (1,75 maalmood).

Sawirkan hoose waa hooyo reer Puntland oo ku nool magaalada Gaalkacyo, waxaa haysta dhibaatada aad u jeedaan oo waxay si ay biilka Caruurteeda u soo saarato ku dul ganacsanaysaa Suuqa Gaalkacyo oo Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay halkaas ay sababeen in biyo badan soo buuxdhaafaan Suuqaas. Ma saxbaa in CANSHUURTA laga qaado subax kasta hooyadaas oo wax loogu qabto aysan jirin uu madaxweyne GAAS ku bixiyo Qarashaad Diyaaradeed iyo Hoteelo aad qaali ah todobaad kasta 2 maalmood, iyana ay nolosheedu caynkaas tahay?

17
Hooyo ku ganacsanaysa meel uusan qofna isku quurin

Hada akhristoow ku darso waqtigii dheeraa ee uu ku bixiyey madaxweyne GAAS safarada Puntland gudaheeda oo ay iyana ku baxday waqti iyo dhaqaale aad u farabadan. Imisa aduun lacageed ah ayaa ku baxda Safarka faraha badan ee madaxweyne GAAS? Kuna darso Qarashaadka ay sababaan soo dhawayntiisa iyo si sagoontinkiisa!!!

Haddii uu bil kasta GAAS mar safrayo uuna leeyahay magaalaadana ha la ii xiro dadkoo dhamina ha igu soo dhaweeyaan/sagootiyaan garoonka diyaarada oo shaqo kale Shacabka iyo dawladu malaha miyaa? Muxuuse ugu turi waayey Puntland? Haddiise GAAS sidaa noqday maxaa loo waayey wax ka qabta oo la xisaabtama? Meeye Xildhibaanadii Puntland? inkastoo hadda ay Xildhibaanadu bilaabeen MOOSHIN iyo guux hadana doorkoodii ma muuqdo waana waajib saaran Xildhibaanada in aysan dalka ku eegan GAAS oo ka badin waayey TAMASHLAYN iyo DALXIIS aan waxaan dhib iyo Qarash ahayn u soo kordhin Puntland.

Puntlandes.com

About The Author