Daawo Muuqaal: Wasiirka arimaha Gudaha Somalilandoo Musharax Cirro ku eedeyey inuu Ciidamo ka keensaday Muqdisho
10 Aug 2022 (Puntlandes) Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa Musharaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ku eedeyey inuu xiriir la leeyahay , lacago na uu u diray saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliya oo Hargeysa lagu qabtey.
Sidoo kale wasiirka Arimaha gudaha ayaa sheegay in beesha caalamku ay soo gaadhsiisay xogo ku saabsan qaraxyo dalka laga fulinaayo .
Wasiir Maxamed Kaahin ayaa yir ”Musharax Cirro Waxa uu Xamar ka keensaday Maleeshiyaad Hubaysan”
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Beesha Caalamku uga digtay Somaliland in Qaraxyo lagu soo weerari doono wuxuuna yiri ” Qaraxyo Somaliland ka dhacaya ayay beesha caalamku na soo gaadhsiisay …”
Ugu dambayntii Maxame Kaahin Musharax Cirro ku eedeeyey inuu dagaal Somaliland ka hurinayo wuxuuna yiri “Hadalka uu Caawa Jeediyey Musharaxa Cirro Waa Khalkhal Gelin Nabadgelyo Darro iyo Dagaal”
Wasiirka ayaa u digay Xisbiyada Mucaaradka wuxuuna yiri “Ciddii Mucaaradka ku Qabata Meelihii Loo Cayimay Meelo Aan Ahayn Tallaabo Ayaa Laga Qaadaya, Masuuliyad Darrada Ka Dhalatana Waxaa Qaadaya Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah”