Akhriso sida Beelaha dega Koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud loogu qaybiyey Ergada maamulka Cadaado laga dhisayo
Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud ayaa beelaha dega gobol iyo barkaas waxay u qeybiyeen Ergayda uga qeyb galeysa Shirka ka socda Degmada Cadaado ee la doonayo in lagu dhiso Maamul ay yeeshaan.
Shir ay Magaalada Cadaado ku yeesheen Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe una goob jog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee DFS ayaa lagu soo bandhigay sida beelaha dega Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud loogu qoondeeyay ergayda ka qeyb galeysa Shirkaasi.
Beelaha ayaa loogu qeybiyay Ergooyinka sidatan:
1-Beesha Habar Gidir 104 Xubnood
2-Beesha Mareexaan 67-Xubnood
3-Beesha Murusade 53-Xubnood
4-Beesha Duduble 35-Xubnood
5-Beesha Abgaal/ Waceysle 35-Xubood
6-Beesha Dir 35-Xubnood
7-Beesha Sheekhaal 17-Xubnood
8-Beesha Shanaad 17-Xubnood
Puntlandes.com