Daawo Video: Wuxuu GAAS ku sheegay shirkii Talyaniga iyo waxa uu ku saabsanaa? (Cadayn)

Madaxweynaha Puntland ayaa shalay markuu ka soo laabtay safar qaatay 15 cisho oo uu dibada wareegayey wuxuu saxaafada u shegay in uu shirkii uu dalka Talyaniga u tagay uu ku saabsanaa Mashariicda Horumarinta ee ay horey u fuliyeen in ay kuwo kale noogu daraan. Wuxuu intaas madaxweyne GAAS u sii daray in uu safarkiisu ku saabsanaa oo kaliya Horumarinta Kaabyaasha Dhaqaalha waa sida uu sheegay madaxweynuhuye.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo ka qayb galay shirka Talyaniga ayaa wuxuu sheegay in uu shirkaasi ku saabsanaa oo kaliya Arimaha Federaalka iyo Amniga Soomaaliya oo uusan wax kale ku saabsanayn.

Waxaa shacabka reer Puntland iswaydiinayaaan waxa ku kelifay madaxweyne in uu shir ay ahayd in uu u dirsado wasiir ku xigeen oo uu isagu tagay isagoo hoos u dhigay maqaamkii Puntland in hadana wax uusan ku saabsanayn u sheego in uu ku saabsanaa!!!!!

Madaxweyne GAAS wuxuu Puntland ka maqnaa intii uu xilka la wareegay 2 maalmood Todobaad kasta oo noqonaysa 4 bilood iyo maalin waana tan sababtay dhaqaale xumada iyo in dawladu bixin waydo Mushahaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha.

Daawo madaxweyne Gaas

Daawo madaxweyne ku xigeenka Jubaland

Puntlandes.com

About The Author