Sidee u qeybiyeen madaxweynaha & RW hoggaanka hay’adda Maareynta Masiibooyinka?

17 Aug 2022 (Puntlandes) Guddiga loo magacaabay Hay’adda Maareynta Masibooyinka SODMA- ee qabanaysa iskuna dubaridaysa howlaha Abaaraha ayaa madaxweyne xasan Sheekh iyo RW Xamse qaybiyeen.

Waxayna u qaybiyeen hoggaanka sare ee Hay’adda ama ay u kala qaateen sidaan hoose:

1- Maxamuud Macallin Cabdullaahi, ayaa noqday Gudoomiyaha Hay’addan, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Xassan Sheekh ee Abgaal.

2- Dr Axmed Cabdi Aadan, ayaa noqday Gudoomiye kuxigeenka, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Raysalwasaaraha ee Ogaadeen.

3- Cabdirashiid Maxamuud Xasan- ayaa lagu magacaabay Agaasime wuxuu kasoo jeeda Beesha 5-aad.

4- Luul Axmed Calow – loo magacaabay Agaasime, waxay kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

5- Cabdirisaaq Axmed Cali- ayaa laga dhigay Agaasime, wuxuu kasoo jeeda Beesha Dir.

About The Author