Sawirro: Gargaarka & maareynta Masiibooyinka oo lagu wareejiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha

18 Aug 2022 (Puntlandes) Maamulka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka ayaa waxaa lagu wareejiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, taas oo ka dhacday ka dhacday Xarunta Wasaaraddaas.

Munaasabadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mud. Axmed Macalin Fiqi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mud. Ilyaas Ali Hassan iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mud.Abdihakim Hasan Ashkir.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyay gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo dhawaan golaha Wasiirada ay meelmariyeen dib u howl galinta hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka.

Ugu dambayn Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyey Xafiiska Ra’aysal wasaaraha soo wareejinta gargaar iyo Maareynta masiibooyinka qaranka.

About The Author