Sawirro: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wareejiyey Gudoomiyaha Hay’adda SODMA Dhammaan Shaqaalaha & Xarumaha Wasaaradii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

18 Aug 2022 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ku wareejiyey Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) Mudane Maxamuud Macalim Cabdullahi Dhammaan Shaqaalaha iyo Xarumaha Wasaaradii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Wasiirka ayaa dardaaran ujeediyey Gudoomiyaha, Ku-xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee loo magacaabay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Wasiir Fiqi ayaa isla maanta waxa uu la wareegay Maamulka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka, isagoo kala wareegay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo horay loogu wareejiyey.

a Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa waxay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.

About The Author