Afhayeenka Dawladda Puntland oo beeniyey qoraal been abuur ah

Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa beenisey qoraal been abuur ah oo ku saabsanaa in madaxweynuhu kala diray golaha Degaanka Degmadda Garoowe. Qoraal uu soo dhigay Afhayeenka Dawlada Puntland barta uu Facebook ga ku leeyahay ayuuna ku beeniyey warqadaas been abuurka ah. Afhayeenka Dawlada Puntland ayaa isla markaasna waxa uu ka digay in saxaafadu xigato Qoraalada lagu faafiyo baraha Bulshada.

Qoraalka Afhayeenka Dawlada Puntland ayaa haa sidatan:

Dawladda Puntland waxay si buuxda u beeninaysaa qoraalka lagu faafiyey Face-booka oo oranaya in la kala direy Golaha Deegaanka Degmadda Garoowe iyo magacaabid Gudoomiye ku meel gaar ah .
Sidoo kale Dawladda Puntland waxay ka digaysaa qaadashada wararka been Abuurka ah ee lasoo dhigay baraha Bulshada

Xigasho: https://www.facebook.com/afhayeenkadawladda.puntland

Akhri qoraalka been abuurka ah

75

Puntlandes.com

 

About The Author