Wararkii u dambeeyey ee weerarkii Hotel Xayaat

20 Aug 2022 (Puntlandes) Ciidamada Soomaaliya ayaa ku howlan soo afjarida weerarkii Alshabaab ay xalay ku qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho, ciidamada ayaa xooga saaraya sidii loo badbaadin lahaa haddii ay jiraan dad wali ku jira gudaha Hotelka.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in qof ka tirsan Alshabaabkii weerarka gaystay uu isku dhiibay laamaha Amniga.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya illaa 15 qof, ayada oo dhaawacana uu intaas aad uga badan yahay.

Dhanka kale Hoobiyayaal xalay lagu weeraray mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho ayaa sababtay khasaare soo gaaray dad shacab ah, sida la xaqiijiyey In kabadan 15 qof ayaa kudhaawacmay.

About The Author