WAR DEG DEG AH-XOG: Madaxweynaha Puntland oo u safraya Bosaso, Maxay tahay sababtu?
War lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu qorshaynayo in uu u safro xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosasolaba cisho ka bid. Ujeedada safarka ayaa ah madaxweynaha oo xamili waayey culayska XOOGAN oo kaga yimid Xildhibaanda, Siyaasiyiin iyo Waxgarad farabadan oo ku cadaadinaya in uu isbedel sameeyo Madaxweynuhu
Ilahan xogta u soo gudbiyey Warbaahinta Puntlandes oo codsaday in aanu magacaabin ayaa intaas ku sii daray in uu madaxweynuhu carar ka yahay Caasimada iyo Xafiiskiisa maadaama uu soo wajahay Culays aad u xoog badan uusana awoodin in uu wax ka qabto ama sameeyo isbedel muuqda.
Madaxweyne GAAS waxa uu ka baqayaa in uu tago Gobolka uu ka soo jeedo ee Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo isagoo ay ugu dambaysay bilowgii abriil 2014 , waxa uu ku dhici la’yahay in uu ku nagaado madaxtooyada Puntland, xafiiskiisa, hadaba su’aashu waxay tahay ma culays ka carar ayuu doonayaa madaxweyne GAAS in uu ku dhamaysto xili xileedkiisa?
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ah nin aad u jilicsan lahayna go’aan qaadasho waana taas mida keentay in uu ku jiro Safaro farabadan oo u badan dalka dibadiisa. Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay, halkan ka akhri, in uu madaxweynu todobaadkii laba cisho uu dibabada uga maqnaa ilaa iyo intii uu xilka la wareegay oo ku beegnayd 14 jan 2014. Madaxweyne GAAS ayaa xilka hayey 16 bilood wuxuuna Puntland dibada uga maqnaa 4 bilood oo ka mid ah.
Wixii war oo ku soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes
Puntlandes.com