Sawirro: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda JFS Garowe casho sharf ugu sameeyey qaar kamid a h Isimada dhaqanka Beelaha Harti

21 Aug 2022 (Puntlandes) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda JFS Xildhibaan Abdiqafar Cilmi Xaange ayaa xalay magaaada Garowe casho sharf ugu sameeyey qaar kamid a h Isimada dhaqanka Beelaha Harti ee ku Sugan Garowe.

Kulanka ayaa daarranaa isxogwaraysi guud gaar ahaan Xaalada Abaareed ee dalka iyo xaalada nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanda Saax-maygaag iyo Sange-jabiye oo nabadayntoodu meel wanaagsan marayso.

Wasiir Abdiqaqfar ayaa Isimada ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay ugu istaageen daminta colaada iyo nabad ku soo dabaalidda deeganka dirirtu ka dhacday.

Ugu damabyn Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi dagan iyo is maraxabayn waxaana lagu ballamay in la’iska kaashado ka shaqaynta nabadda iyo ugurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

About The Author