Axmed Madoobe oo 1 sano oo xil kordhin ah samaystay

21 Aug 2022 (Puntlandes) Baarlamaanka Jubaland ayaa meelmariyey in mudo hal sano ah lagu kordhiyo mudo xileedka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Agoosto 2019kii ayaa Axmed Madoobe lagu doortay doorasho uu garwadeen ka ahaa Raysalwasaaraha maanta Xamse Cabdi Barre, waxayna uga egtahay Agoosto 2013ka.

August 2024-ka ayuu ku e’eg yahay mudo xileedka cusub ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

Caleemasaarkiisa 2019kii oo ay diidanayd dawladda Faderaalka oo uu madax ka ahaa Farmaajo, ayaa waxaa ka qeybgalay Madashii Mucaaradka oo uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadaas kusifeeyey mid sharci ah.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo qabsaday 2011kii, waxaana madaxweyne Jubaland loo doortay markii u horay sanadkii 2013kii, isagoo ilaa iminka fadhiya.

Maamulka Jubaland ma dhaafsiisna magaalada Kismaayo oo lagu sheego Xabsi uu xukumo Axmed Madoobe, isagoo xira ama ka masaafuriya qofkii aan la aragti ahayn.

About The Author