Alshabaab ”Weerarkii hotel Xayaat wuxuu jawaab u yahay hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa Ashabaab waan soo afjarayaa”
21 Aug 2022 (Puntlandes) Alshabaab ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen hotel Xayaat uu yahay jawaabta madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay dowladdiisu soo afjarayso Alshabaab.
Afhayeenka Alshabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo hadlay wuxuu sheegay inay dowladda madaxweyne Xasan Sheikh tuseen awooddooda kadib markii ay weerareen hotel kuyaalla Muqdisho, halkaas oo weli laga saari la’yahay shabaabkii gudaha u galay.
Abuu Muscab wuxuu sheegay in hotelka ay weerareen uu yahay meel lagasoo abaabulo shirqoolada ka dhanka ah Alshabaab. Wuxuu sheegay inay ku laayeen dad badan oo katirsan shaqaale iyo masuuuliyiin dowladda katirsan.
Dhinaca kale, war kale oo ay baahisay Alshabaab waxaa lagu sheegay inay si nabad galyo hotelka uga baxeen qaar kamid ah dagaalamayaashii Alshabaab ee gudaha u galay hotel Xayaat.
Masoo bandhigin caddeymo arrintaas ku aadan. Waxayse sheegeen inay weerarkaan u qorsheeyeen qaabab badan oo dagaalamayaasheedu kaga soo bixi karaan hotelka, loona diyaariyay meel ammaan ah.
Khasaaraha weerarkii Hotelka ayey Alshabaab waxay sheegeen inay 40 qof ku dileen gudaha hotelka iyo dhaawaceena 70 kale.