XOG: Xaggee ku dambeeyey Barnaamijkii World Bank ka waday Puntland?

Miisaaniyadii ay soo bandhigtay wasaaradda Maaliyadda Puntland dec 2014 uuna ansixiyey Baarlamaanka Puntland ayaa waxay sanadkaan ahayd ku dhawaad 72 milyan oo doolar. Waxyaalihii Miisaaniyadaas ku cusbaa waxaa ka mid ah Bangiga Aduunka oo Kabaya misaaniyadan wuxuuna ku kabayaa aduun lacageed oo gaaraya 23 milyan doolar, oo u qaybsanayd 18 milyan oo Bangigu ku kabayo Mushahaarka Shaaqala Rayidka, oo u dhiganta 2 milyan oo doolar bishii. Wuxuu kaloo ku kabayaa Bangigu Dawlad wanaaga oo uu ku kabayo 3 milyan oo doolar, una u  dhiganta 333 kun oo doolar bishii. Wuxuu kaloo ku kabayaa Bangigu Habka dhaqaalaha Dawlada oo uu ku kabayo 2 milyan doolar, una dhiganta 222 kun oo doolar bishii.

Lacabtaas kabista ah waxay bilaaban lahayd Abriil sanadkan 2015. Waxaa Warbaahinta Puntlandes oo ay ka hawlgalaan Dhaqaaloyahano ay ka keeneen qaylodhaan ku saabsan qaladaadka ku jira Miisaniyadaas taaso ay ugu waynayd in aysan wax heshiis ah oo uu Bangiga Aduunku ku ogolaaday aysan kala saxiixan Puntland ee ay ku xirnan tahay in ay Puntland fuliso sharuudo farabadan, ugu dambayna ay ogolaato saxiixdana DFS oo aanba la hubin in ay ogolaandoonto.

Iyadoo ay dawlada Puntland intaas oo dhan ay ogayd ayey si ay dadka u qaldaan ku darsadeed Miisaniyadii sanadkan si ay dadka u tusaan koror Miisaniyadeed oo dhan 23 milyan oo doolar.

Miisaaniyada Puntland 2015 far baa ku Godan?

Miisaaniyadda Puntland maxaa ka khaldan?

Wasiirka maaliyada Puntland oo maanta barlamaanka horgeeyay miisaaniyada 2015 oo noqonaysa 72 milyan oo Doolar

Haddaba xaggee ayuu ku dambeeyey Mashrucaas balaarnaa oo aadka u anfici lahaa Puntland haduu hirgeli lahaa? Guud ahaan Dawlada Puntland iyo gaar ahaan Wasaarada Maaliyadda waxay ku guuldaraysteen in ay fuliyaan Sharuudihii ku xirnaa barnaamijkan oo ay ahayd inay buuxiso dawlada Puntland, waxaana ka mid ahaa sharuudahaas:

  1. Musuqmaasuqa oo la cirib tiro
  2. Shaqaalaha dawalada Puntland oo la kala hufo lana soo reebo tirada rasmiga ah ee u shaqeeya wasaarad walba ama hay’ad walba.

Kulankii GAAS iyo Bangiga Aduunka ee Nairobi ku dhexmaray

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas makuu tegay Nairobi Caasimada dalka Kenya waxa uu la kulmay Saraakiil ka socota Bangiga Aduunka wuxuuna kala kulmay waji gabax kadib markii ay u sheegeen in Puntland tahay meel Musuqmaasuqu uu aad sareeyo, ilaa iminkana Wasaarada Maaliyada Puntland laga la’yahay xog cad oo ku saabsan Shaqaalaha dawlada Puntland iyo qof walba Mushahaarka uu qaato. Madaxweyne GAAS ayaa wuxuu kulankaas kala soo noqday Gacmo maran iyo waji gabax. Waxaa lagu xasuustaa Gaas markuu ku jiray ololaha doorashada inay ugu waynayd waxyaalihii uu balan qaadayey Musuqmaasuqa oo uu la diriri doono, waxaana muuqata inaysan taasi dhicin

Waa nasiib daro in fursad qaali ah laga horjoogsaday Puntland oo baahi wayn u qabtay taageeradaas.

Puntlandes.com

About The Author