Sawirro-Muuqaalo: RW Xamse oo daahfuray kulan wadareedka Golaha wasiirrada XFS
23 Aug 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daahfuray kulan wadareedka Golaha wasiirrada xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay isula lafa-guraan una wadagaan howlaha mudnaanta u leh Qaranka iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.
Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo soconaya muddo laba maalin ah ayaa waxaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.
Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Hoos ka daawo RW Xamse oo daahfuray kulan wadareedka Golaha wasiirrada XFS
Hoos ka daawo Hadaljeedintii Gud A Madoobe ee daahfuray kulan wadareedka Golaha wasiirada XFS