Sawir: Shahaadadii Puntland waxaa lagu soo sameeyaa Suuqa Bakaaraha ee Xamar sidaasna waxaa ogolaaday GAAS
Waxaa wax aad iyo aad loola yaabo ah in arday asbuucii hore ka qalinjebisey dugsi farsamo oo ku yaal Garoowe, la gudoonsiiyey Shahaado ay Bixisay wax loogu yeeray Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hadda ogow wax maamul iyo manhaj midaysan in uusan ka jirin Xamar. Iyadoo ninkii raba in uu shahaado goosto ay u simanyihiin wasaaradooda wax barashada iyo Suuqa Bakaarahu.
Sida ummadda Soomaaliyeed oo dhami ogtahay ma jirto meel masuuliyadda bixinta shahaadooyinka loogu wakiishay Dawladda Xamar. Bal daa in la wakiishee waxaynu ogayn ama reer Puntland oo dhan la socdeen in arrinta shahaadada lagusoo qaaday wadahadalo badan oo ay wada galeen Puntland iyo Dawladda Xamar. Heshiisyadaas oo dhamina wax ka suurta galay aysan jirin.
Inta badan waxaynu aragnaa in inta dadka reer puntland wax loosheego haddana aan aragno iyadoo ficil ka duwan ay sameeyaan kooxda hadda Puntland taladeeda haysaa.
Waxaa ugu danbeeysey gudiyo kusheegii lagu magacaabay Xamar oo Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gaalkacyo kaga Dhawaaqay in aysan ogolayn oo aysanna imaan karin xuduudaha Puntland, go,aankaas oo lagusii adkeeyey war murtiyeedkii ka soo baxay golaha wasiirada ee khamiistii dhawayd.
Arrinta Shahaadada Garoowe usbuucii hore laga bixiyey waxay ka turjumaysaa in kooxdaan uu hogaamiyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay dadka reer puntland u sheegayaan ay wada been iyo marin habaabis tahay. Waxaad arkaysaa in boqolaal jeer waxay sheegeen iyo amarada ka soconayaa dalku ay is khilaafsan yihiin oo ay tahay dawladda Xamar tan sida dhabta ah u maamusha Puntland.
Taas waxaa suurta geliyey kooxdaan riwaayadda u dhigaysa Puntland. Waxaan sugnaana ay tahay in aynu mardhaw aragno guddi ku sheegii oo dhextaagan Puntland oo ka hawl gelya.
Su,aasha iswaydiinta lihi waxaa weeye.
Maxay u qabaan Puntland kooxdaan uu madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas xukumaa? Ma waxay u qaateen in la iloobayo waxa ay sheegaan?
Haday Xamar sidaas ugu hogaansan yihiin, maxay marka hore isaga dhigayaan in ay wax la qaybsanayaan oo wax heshiis lagu yahay ay Soomaaliya ka soconayso?
Intee in le,eg baaynu hadaan nahay reer Puntland ku fiirsanaynaa fool xumidaan?
Daawo shahaadada Puntland loogu soo sameeyo Xamar
Daawo Shahaado ay Puntland bixisay intii uusan GAAS badelin
Puntlandes.com