Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Federaalka

24 Aug 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse.

Madaxweynaha waxa kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wasiirka ayaa waxaa ku wheliyey Lataliyaha RW Cali Cabdi Awaare waxayna hor dhac u yihiin Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo in uu Puntland booqasho ku yimi maado.

About The Author