GAAS oo u balan qaaday Xildhibaanadii Mooshinka waday in uu ”Isbedel” dhab ah samayn doono!
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay kula kulmay xarunta madaxtooyada Puntland xildhibanaadii dalbaday in Barlamanka kalfadhi deg deg ah isugu yimaado, kulankaas oo qaatay saacado badan.
Warar ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegayaan inuu madaxweyne GAAS aqbalay dhamaan daldalooladii ama dhaliilihii ay usoo jeediyeen Xildhibaanadaas kusoo ahaa dhanka Dhaqaalaha, Amniga, Siyaasada iyo difaaca Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa u balan qaaday Xildhibaanadaas in uu si deg deg ah wax uga qaban doono dhammaan qodobadii xildhibanaddu ka dalbadeen. Wararka ayaa sheegaya in wadahadalka oo muddo badan socdey uu oogolaaday GAAS in uu wax ka qabto Carqaladaha hor taagan maamulkiisa isagoo Madaxweyne Gaas balan qaaday in uu isbadal degdeg ah ku samayn doono Xukuumadiisa maalmaha soo socda.
Isku soo wada duuboo kulankii xalay wuxuu ku soo dhamaaday is fahan in uu GAAS balan qaaday in uu “Isbedel” dhab ah samayndoono.
Khuburo ku xeel dheer ficilada madaxweyne GAAS oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay Heshiiskii xalay ayaa wuxuu ku jawaabay sidatan:
Horta GAAS ma yahay masuul fuliya balan qaadkiisa? Horta inta aan “Isbedel” dhab ah maanta GAAS laga sugin wax ma badeli karaa GAAS? Ma yahay GAAS hogaamiye Go’aan qaadan kara kuna dhaqaaqi kara in uu fuliyo? GAAS yuu ka talo qaataa? Ma Xamar mise reer Puntland?
Isku soo xooriyoo madaxweyne GAAS loogama fadhiyo “Isbedel” mana samayn karo, laakiin waxa iswaydiin leh inta uu hogaamindoono Puntland iyo halka uu dhigi doono!!!
Puntlandes.com