Madaxweynaha Jubaland oo isku shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed ayaa isku shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada. Wasaaradaha uu isku shaandheeyey madaxweynuhu ayaa waxay kala yihiin wasaarada maaliyada,wasaarada gaadiidka iyo warfaafinta iyo wasaarada macdanta iyo biyaha.

Wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Aw Yuusuf waxaa loo badalay wasaarada macdanta iyo biyaha.
Wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha Cabdinuur Cali Aadan waxaa loo badalay wasaarada gaadiidka iyo warfaafinta.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ibraahin Baajuun waxaa loo badalay wasaarada maaliyada.

Puntlandes.com

About The Author