Qurba-Joogta Somalida Finland oo Ka Qeybgalay Siminaar Ku Saabsan Horumarinta Dhalinyarada
Waxaa magaalada ee Sheffield wadank UK ka dhacay Siminaar ay soo Abaabuleen EU SCMIE mission Siminaarkaas oo ahaa mid loogu Xaajoonayey Sidii loo horumarinlahaa Dhalinyarada Qurba-joogta Reer Yurub dhanka shaqo abuurista iyo siyaasada waxaana la qorsheeyey in la dardargeliyo Mashruuca shaqo abuurista iyo dhiirigelinta ka mid noqoshada xisbiyo siyaasadeedka ka dhisan yurub si ay u noqdaan kuwa ayaga dantooda meelmarin kara mustaqbalka .
Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa lagu soo qaatay sidii qurba-joogta somaliyeed ay u dhexgeli lahaayeen Umadaha ay la nool yihiin waxna uga qabsan lahaayeen .
EU SCMIE mission ayaa sidoo kale balanqaaday in dhalinyarada qurba.joogta somaliyeed si gaar ah ay uga taageeri doonaan xaga waxbarashada iyo isboortiga kulankaas ayaa kusoo gabagabooyey isfaham labada dhinac ah.
Kulankaan baa waxaa kasoo qeybgalay la taliyaha Dalada midawga ururada Puntland ee Finland Mudane Cabdifataax Cabdulllaahi Jaamac Jannaggale iyo Cabdifatax Cabdi oo ah Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan xisbiga SDP kuna jira golaha deegaanka magaalada Espoo ee Wadanka Finland waxayna matalayeen Jaaliyada Soomaalida ee Finland.
Labadaan masuul oo ah aqoonyahano ku caanbaxay wadaninimo, hawlkar, waxqabad iyo daacadimo, bulshada Soomaaliyeed ay la noolyihiin dhexdeeda. Labadaan masuulba waxay ku guuleysteen inay naftooda horumariyaan, walaalahooda Soomaaliyed ay kula noolyihiin qurbahana waxtaraan, kulana dhaqmaan cadaalad iyo Soomaalinimo. Waxay kaloo ku guuleeysteen in ay mashruucyo harumarineed geeyaan wadankii hooyo ee Soomaaliya.
Puntlandes.com