Dawladda Puntland baa waxay amartay in la xiro xafiisyada telefishinka SNTV (Somali National TV) ee Puntland, Hadana amartay in la fasaxo!!!

Puntlandes (Pes) Faalo: Shalay oo taariikhdu ku beegnayd 19, 2015 bay ahayd markii Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda arimaha Gudaha Puntland uu soo saaray laba qoraal oo iska soo horjeeda muddo labo saac gudohooda ah.

Pes, Qaar badan oo kamida war baahinta Puntland waxay u qoreen sidan oo ah in dawladda Puntland Xirtay xafiiskaas kor ku xusan, hadana amartay in la fasaxay xafiiskaas muddo labo saac gudohood ah.

Arintaa waxaa ka imaankara su,aalo fara badan. Oo ay ka mid yihiin kuwaan, Pes.

Miyaan laga fakerin go,aanka hore? Xukuumadu amma Dawladdu, waa sida hadalka  loo dhigaye ma is la ogeyd go,aanka? Pes, Haday isla ogeyd muxuu yahay awooda kaweyn ee dul timid? Ma markii hore baysan is ogeyn in ay wax xiri, karaan oo arintu khalad bay ku dhacday (calashaan go aanka waxaa gaarey nin ogaa Puntland:tii hore ee u madax banaanayd arimahooda)?

Su,aalaha kale, Pes, ee noocaan ka bedelen waxay noqon karaan, sidatan.

Arinta, ma nin xanaaqey oo haystey shaabadda dawladda baa soo saaray oo waa ku kaligii? Pes, Wuxuuna ubedeley go,aankii hore marku dalab kaga yimid wasaaradda ku shaqada lahayd (Wasaaradda warfaafinta ).

Haday sidaas tahay, Ninkaan ma yaqaan qaabka go,aan dawladeed loo gaaro?

Hadduuba carooday ma ka haboonayd bal in uu digniin siiyo kana dalbo raali gelin?

Pes, Haduuba khaldamay oo uu u dhaqmay si ka fog dawladnimo, ma haboonayd in loo daayo oo go,aanka kale aan lagu degdegin maxaa yeelay waa ceeb dawlad isfeer yaacaysa sida tan GAAS.

Pes, Arintaani ma ina tusaysaa tayada xukuumadda Professor/Dr Gaas iyo sida ay taladu uga wareersan tahay?

78a

Puntlandes.com

About The Author