Akhriso Wasaaraddaha Maaliyadda ee Dawlad Goboleeda dalka oo Joojiyey Dhammaan Wada Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda JFS
30 Aug 2022 (Puntlandes) Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto 2022 kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyagoo kulankooda diiradda ku saareen wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiraddu iyagoo tixraacaya heshiisyadii wada shaqeynayd ee u dhaxeeyey Wasaraaddda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda ee Dawladda Xubnha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee kala ahaa:
1. Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019
2. Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019
3. Heshiiskii Kampala ee December 2019
4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020.
5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.
Heshiisyadaas oo dhammaan lagu gaaray wada tashi iyo wadar ogol.
Haddaba, markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur-galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan.
Allaa Mahadleh
1. Xasan Shire Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland
2. Farxaan Cali Maxamuud
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug
3. Xussen Xirsi Axmed
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubaland
4. Axmed Maxamed Xussen
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur-Galbeed
5. Cali Cabdalle Nuur
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeele